Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow ETOOBIYA WAA IN AY DALKA KA BAXDAA: Dareenka Dadka Soomaaliyeed
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:236
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:108
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:95
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:423
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 04 2008
ETOOBIYA WAA IN AY DALKA KA BAXDAA: Dareenka Dadka Soomaaliyeed
Written by Ali Moallim   
Sunday, 04 May 2008

By Yusuf Shabac,(insidesomalia.org)-Soomaaliya u talinteeda waxa marwalba ku lool tamayey illaa afar kooxood oo kala duwan. Aqoonyahano uusan waxtarkoodu soo dhaafin (maanafeesto) shir la qabto iyo in la soo saaro guddi iyo sharuuc. Shaqaalihii Maxamed Siyaad Barre. Col u joogayaasha jabhadaha. Dhalinta Islaam doonka ah. Aqoonyahanada, ganacsatada iyo siyaasiyiintii hore waxa soo maray fursad qaali ah, fursadaas oo lagu badbaadin karay dalka oo dhan, laakin dadaalkoodii masoo dhaafin waraaqihii loo qoran jiray Maxamed Siyaad Barre. Kooxihii u shaqayn jirey dawladdii Maxamed Siyaad Barre ayagu marna ma quusan oo waa ku waa doortey Cabdiqaasim Salaad Xasan. Dhalinyarada Islaamdoonka ahi, waxa soo martay fursad qaali ah, fursadaasna raali kama aha dunida iyo wadamada dariska nala ahba, fursadaas oo ah in ay dalka ku dhaqaan sharcigii uu Allaah ugu talo galay. Laakin dunidu waxa ay fursad siiyey col u joogeyaasha (warlords) Iyagiina waxa ay ka hoos baxday maalinkii ay u codeeyeen in dalka la
keeno cadawgiisa koowaad Itoobiya.

Laga soo bilaabo dhamaadkii sanadkii 2006da, Itoobiya ficilada iyo falalka ay ka gaysatay Soomaaliya ama ay u geysatay maatada guud waa uu ka soo darayey. Waa aad la socotaan dhacdadii Masjidka Isniin 21kii bishan Abriil 2008., askar Itoobiyaan ayaa waxa loo sheegay in ay Masjidkaasi ku jiraan dhalinyaro wadaado mucaaraad ah. Itoobiyaankuna Masaajidkii waxa ay la galeen kabahoodii qurmuunaa, dabadeedna waxa ay halkaa ku dileen lix Tabliiq ah (wadaadada qunyar socodka) iyo afar u timi Masjidkaasi in ay ku cibaadeystaan, waa sida laygu waramay. Itoobiya waa in ay dalka ka baxdaa inta ay goori goor tahay. Lixdii bilood ee la soo dhaafey dawladda Federaalka ah awoodeedu waa ay sii wiiqmaysay. Illaa ay gaartey in ay guddoomiyeyaasha Deegaanada iyo Goboladuba ay si toos ah warbixinta u siiyaan Saraakiisha Itoobiyaanka ah ee ku sugan dhulkeena muqaddaska ah. Mudane Cabdilaahi Yuusuf oo ah Madaxweyne dawladda ku meel gaar ka ah oo dhowaan soo gaarey Maraykanka waxa uu muujiyey walaac fara badan ka dib markii ay waraysateen dad ay aad isu xigaan, wuxuuna u sheegay in ay talo faraha ka baxday. Wuxuu yiri, “Itoobiyaankuna ku guuleysan maayaan, Inaguna ku guuleysan Mayno, wadaaduna looma ogolaan doono in ay ku guuleystaan”

Xiligii kuleylaha ee bishii Juun 2006da, waxa uu yiri wasiirka beeraha iyo biyaha ee dalka Itoobiya Dr. Aberra Deressa, “ Soomaaliya, waxa inaga soo gala illaa 2.5 million oo doolarka Maraykanka ah maalinkii, khaasatan xagga Jaadka, raali ka noqon mayno umana dulqaadanayno in ay Maxkamad Islaami ah ka dhisnaato Soomaaliya” Inkasta oo ay dhalinyaradii Islaamdoonka ahayd ku fududaadeen waxyaabaha qaarkoo, haddana waxa uu qof walba ka dharagsan yahay nabaddi lagu noolaa lixdii bilood oo ay dalka ka talinayeen. Haddii uu dhaqaalaha Itoobiya oo ku xiran yahay in ay Soomaaliya bur-bursanaato, nabad sidee ah baanu ka filnaa dunida. Waxa ay ii sheegaan dad Soomaali ah oo weli dalkii ku nool, in ay askarta Itoobiyaanku ay marka ay ka tagayaan xeryahoodu in ay si ula kac ah uga tagaan hub fudud, si markaa loo bililiqeysto oo ay shacbigu markasta hubka u haystaan. Itoobiya waa in ay dalka ka baxdaa. Maxaa yeelay bur-bur dambe diyaar uma nihin.

Waxa jira dad waxgaradka ah oo aaminsan in ay Itoobiyaanku ciyaaraan ciyaar dagaal oo ay ayagu maamuli karaan nataajadiisa, sidaa awgeed Itoobiyaanka ayaa ka dambeeya dhalinyaro munaafiqiin ah oo ku dhix jira Shabaabka, oo loo isticmaalo in ay ku dhaqaaqaan ficilo aad u fool xun, tani waxa ay la mid tahay xaalada ka taagan dalka Aljeeriya, oo ah in la xasuuqo maato dabadeedna lagu eedeeyo dadka ehelu diinka ah. Itoobiyaanku waxa ay kobciyaan khilaafka u dhexeeya dawladda federaalka dhexdiisa khaasatan Madaxweynaha iyo Raa’isulwasaaraha. Waxa ay hubiyaan kala fogaanshaha Maxkamada Islaamiga iyo Shabaabka. Waxa ay wis-wis ku beeraan ganacsata iyo kuwa wax ka iibsada. Waa ciyaaro uskag ah, oo qofka aan ogeyni uu ku hafan karo. Dhibka ay Itoobiya ka waddo caasimadeena waxa dhaanta xuriyo aan dawlad lahayn. Sidaan awgeed waa in ay Itoobiya inooga baxdaa dalkeena.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >